loader
Skip to content

Caawiye App

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Forgot Password?

Don't have an account?Sign Up

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Already have an account?Login

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
Queen of somalia
May 17, 2023 | 10:33 am |1 Answers

Waa kumaa maalqabeenka Muslimka ah ee iibsanaya kooxda Manchester United?

×

Edit Question

×

Report Content

Explain why you are reporting this content:

Select Reason:

Misleading or scam
Spam
Violent or abusive
1 Answers
Please log in to reply.
Queen of somalia
May 17, 2023, 10:37 am
Ganacsadaha reer Qadar Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani ayaa soo bandhigay dalab wanaagsan oo uu ku dhammeystirayo heshiiska iibsiga kooxda kubadda cagta ee Manchester United ee ka dhisan Ingiriiska. Ninkan maalgaliya arrimaha bankiyada ee dalka Qadar ayaa heshiiskan kula tartamaya Sir Jim Ratcliffe ee Ineos Group, waxayna noqdeen dhinacyada ugu waaweyn ee doonaya inay iibsadaan kooxda Manchester United. Dhinacyada ku tartamaya iibsiga kooxdani ayaa waxay dalabkoodii saddexaad soo gudbiyeen dhammaadkii bishii April ee aanu soo dhaafnay. Milkiilayaasha Manchester United ayaa ka fiirsanaya inay ka iibiyaan Sheiekh Jassim bin Xamad Al Thani iyo in kale Sheekh Jassim ayaa soo jeediyay dalab cusub Talaadada iyadoo ay socdaan wadahadalo u dhaxeeya milkiilayssha Kooxda iyo howl-wadeenada. Dalabka ninkan u dhashay dalka Qatar ayaa yimid si ay u helaan boqolkiiba 100 saamiga kooxda, waxaana ka mid ah in la doonayo in marka hore la bixiyo . Tirokoobyada bishii March ayaa muujinayay in United lagu leeyahay ku dhawaad ​​£969.6milyan wadarta deynta, deymaha bangiyada iyo khidmadaha kala iibsiga ciyaartooyda . Qoyska Glazer, ee leh kooxda, ayaa ku dhawaaqay bishii November ee la soo dhaafay inay ka fikirayaan iibinta Manchester United sababtoo ah iyaga oo sheegay "inay sahaminayaan isbadal istiraatiijiyadeed oo kale." Inkastoo aysan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Glazers tan iyo waqtiga kama dambaysta ah ee dalabaadka 28-ka April, waxaa jirta kalsooni sii kordheysa oo lagu qabo in dadaalka ay ugu jiraan iibinta kooxda uu guuleysan doono. Waxaa la og yahay in mid ka mid ah soo jeedinta Sir Ratcliffe ay ahayd in la dhimo saamiga uu doonayo inuu kooxda ka iibsado 69 boqolkiiba dhammaan saamiga Glazer, in ka badan 50 boqolkiiba. Avram Glazer ayaa dhawaan ka soo muuqday ciyaartii finalka FA Cup-ka ee haweenka United, taasoo ay Axadii ay Chelsea ku garaacday garoonka Wembley Stadium, waxaana kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee uu United ku taageero uu ahaa finalkii Carabao Cup bishii February, markaas oo Manchester ay ka badisay Newcastle. Glazer ayaa markii dambe booqday hotel ku yaalla London oo uu leeyahay aabbiha Sheekh Jassim, taasoo dhalisay warar dheeraad ah oo ku saabsan iibka, inkastoo BBC Sport ay heshay xog sheegaysa inaysan jirin wax wadahadal ah oo lala yeeshay kooxda. Ma jirin wax calaamad ah oo muujinaya in Glazers ay aad ugu dhawaayihiin inay go'aan ka gaaraan jihada mustaqbalka ee United. Qoyskan ayaa kooxda ku iibsaday 790 milyan oo ginni sannadkii 2005tii, waxaana hadda kooxda lagu qiimeeyaa inta u dhaxaysa 5 bilyan ilaa 6 bilyan oo gini. Waxaa la dareemayay in ku dhawaaqista ay iman karto usbuucan marka la eego suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo furmay wax ka yar hal bil, taasoo siinaysa tababare Erik ten miisaaniyad fiican xilliga xagaaga. Si kastaba ha ahaatee, ma jirto dammaanad qaad ah in tani ay dhici doonto haddii suuqa kala iibsiga ciyaartooyda uu xirmo.
Please log in to reply.

Leave Answer

You must be logged in to answer.

🔥 Popular Questions
  • cabdi
    financial stability
    Apr 30, 2023 - 19:02 |1 Answers
  • c.raxmaan
    maxa loo yaaqaana gurkha shinida
    Apr 24, 2023 - 12:56 |1 Answers
  • Farhan Yusuf
    how can I translate it to Somalia POS stands for point of sale
    Sep 30, 2023 - 11:03 |1 Answers
  • Queen of somalia
    waa kuma Walalka nabi Muhammad SCW, Xagga Nuugmada?
    Jan 19, 2023 - 23:06 |1 Answers
  • Alkhatraat pag Cilmidheere
    waamaxay diin?
    May 23, 2023 - 23:33 |1 Answers
Trending Categories
84

f4 Biology subject

25

F4 business subject

10

F4 Chemistry subject

13

f4 English subject

20

f4 Geography subject

29

f4 History subject

8

f4 math subject

34

f4 physics subject

4

f4 Somali subject

16

f4 technology subject

43

Hal xiraale

1

Health

17

Jobs & Education

36

luqadaha

43

Nolosha iyo Dhaqanka

281

Other Asked Questions

327

Poll Questions

28

saynis

15

school

4

Siyaasad iyo Maamulka

6

Sports

270

Su'aalaha Diinta

59

Suaalaha Caafimaadka

11

subjects definition

27

Taariikh

41

Technology & Engineering

10

University

88

wadamada caalamka

82

wadankeena

16

waxbarasho

18

Website & Programs

20

xisaab

56

Xoolaha Iyo dhirta

About

Caawiye Q&A waa website iyo application la isku wedaarsado su’aalo aqooneed iyo Jawaabaha kaas oo kaa caawin doona inaad dhisto afkaartada aqooneed, bulshadaada iyo inaad la xiriirto dadka kale.

Important pages
  • all questions
  • about us
  • Membership Account
Help & Support
  • Contact Us
  • frequently asked questions
  • Privacy Policy
  • Terms and Conditions

Download Now Mobile and enjoy it on your iPhone, android, and iPod touch... all from a modern mobile app powered by the somnest Platform.

Download app from

app-storeplay-store
© 2025 Somnest. All Rights Reserved.
People Who like this post
  • img
img