loader
Skip to content

Caawiye App

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Forgot Password?

Don't have an account?Sign Up

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Already have an account?Login

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
Queen of somalia
May 23, 2023 | 12:36 pm |2 Answers

Cuntooyinka lagu cayilo Caafimaadkana U Fiican?

×

Edit Question

×

Report Content

Explain why you are reporting this content:

Select Reason:

Misleading or scam
Spam
Violent or abusive
2 Answers
Please log in to reply.
Queen of somalia
May 23, 2023, 12:39 pm
Subagga lawska:  Subagga lawsku wuxuu aad faa’ido ugu leeyahay caafimaadka, waxaa ka buuxa barootiin iyo faytamiinno. Sidoo kale, Waxa uu qani ku yahay tamar taas oo caawisa dhisidda murqaha jidhka. Waa mid ka mid ah cunnooyinka ugu caafimaadka badan ee ka qayb qaata kordhinta miisaanka iyo dhisidda murqaha.   Isticmaal subagga lawska xilliga quraacda si aad hab caafimaad leh ugu kordhiso miisaankaaga.  Ukunta:  Ukunta waaa laga helaa barootiinta noocyadeeda ugu tayada fiican, waxay qani ku tahay faytamiinno iyo macdano, waxayna si caafimaad leh u dhistaa murqaha. Cunista labo xabbo oo ukun ah subax kasta waxay jidhka siinaysaa tamar ku filan maalintii oo dhan.  Lawska:  Lawska waxaa ku jira macdano iyo faytaamiino kala duwan oo jirka bini’aadanka faa’ido ugu jirto, qofka wuxuu ka helaa tamar badan. Waxaa kaloo lawska laga helaa dufanno caafimaad leh iyo barootiin, waana cunno fudud oo si caafimaad leh loogu cayilo.  Caanaha: Caanaha oo si joogto ah loo cabbo, waxa ay si caafimaad leh u dhistaa murqaha. Waxay hodan ku yihiin barootiinno, kalsiyaam iyo kaarbohaydaraytyo caawiya kordhinta miisaanka. Dufannada iyo barootiinnada ku jira caanaha waxay caawiyaan dhisidda murqaha. Sidoo kale, caanaha waxaa ku jira labada barootiin ee “casein” iyo “whey” ee miisaanka kordhiya. Afakaadhada:  Midhaha afakaadhadu waxa ay hodan ku yihiin dufanka faa’iidada u leh jidhka iyo kalooriyada. Waxaa kaloo ku jira barootiinno murqaha dhisa. Afakaadhada cabitaan ayaa laga dhigan karaa, aansalaatada waa lagu darsan karaa, roodhidana waa la marsadaa  Badarka:  Badarka waxaa ka buuxa Kaarbohaydareetyo, faybar iyo barootiinno, cunista badarka oo la joogteeyo waxay kordhinaysaa miisaanka waxayna dhisaysaa murqaha si dabiici ah.  Baradhada:  Baradhada waxaa ku badan kaarbohaydareetyo caawiya dhisidda murqaha si dhaqso ah. Waxaa kaloo ku badan barootiin, faybar iyo fitamiin C.  Mooska:  Mooska waxaa laga helaa tamar iyo awood nafaqo waxaana uu kordhiyaa kiisaanka. Mooska waxaa ku badan potassium, kaarbohaydareetyo iyo nafaqooyin kale oo qofka tamar siiyo, caafimaadkana kobciyo.  Hilibka xoolaha:  Waa il hodan ku ah barootiin, cunista hilibku waxay caawisaa dhisidda murqaha iyo sare u qaadista miisaanka.  Kalluunka tuunaha:  Kalluunka nooca tuunaha ee fresh-ka ah waxaa ka buuxa barootiin iyo dufanno muhiim u ah habsami u shaqaynta jidhka. Cunista Kalluunka tuunaha oo la joogteeyo waxay si fudud oo caafimaad leh u kordhisaa  Midhaha sabiibka:  Sabiibku wuxuu si caafimaad leh u kordhiyaa miisaanka qofka, wuxuuna siiyaa tamar badan maadaama ay ku badan yihiin sonkorta “Fructose” iyo “Glucose” oo tamar badan laga helo, waxaa kaloo ku jira barootiin iyo faytamiinno kala duwan kuwaas oo u fiican kobcinta murqaha jidhka. 
Please log in to reply.
Adan Jamac
September 6, 2023, 11:37 pm
sidee ku wadinkaraa jawab
Please log in to reply.

Leave Answer

You must be logged in to answer.

🔥 Popular Questions
  • Maankey Cade
    sheeg magaca kale ee loo yaqaan Reer bani israel?
    Apr 13, 2023 - 16:57 |1 Answers
  • Nasiib yare Nasiib yare
    imisa xumin ayaa kujirta jirka bini aadamka
    May 21, 2023 - 14:31 |1 Answers
  • Faadumo Ahmed
    meeqo madaxweey ayaa soomartay soomaalia
    Sep 19, 2023 - 05:56 |3 Answers
  • Sacido Ahmed
    sheeg nabiganaxasa iyo nabgeya xaskisa u gu hores magca
    Apr 23, 2023 - 23:07 |1 Answers
  • caawiye Admin
    10. Quote one statement in the final paragraph which hints at the writer’s sense of remorse.
    Mar 30, 2021 - 21:48 |1 Answers
Trending Categories
84

f4 Biology subject

25

F4 business subject

10

F4 Chemistry subject

13

f4 English subject

20

f4 Geography subject

29

f4 History subject

8

f4 math subject

34

f4 physics subject

4

f4 Somali subject

16

f4 technology subject

43

Hal xiraale

1

Health

17

Jobs & Education

36

luqadaha

43

Nolosha iyo Dhaqanka

281

Other Asked Questions

327

Poll Questions

28

saynis

15

school

4

Siyaasad iyo Maamulka

6

Sports

270

Su'aalaha Diinta

59

Suaalaha Caafimaadka

11

subjects definition

27

Taariikh

41

Technology & Engineering

10

University

88

wadamada caalamka

82

wadankeena

16

waxbarasho

18

Website & Programs

20

xisaab

56

Xoolaha Iyo dhirta

About

Caawiye Q&A waa website iyo application la isku wedaarsado su’aalo aqooneed iyo Jawaabaha kaas oo kaa caawin doona inaad dhisto afkaartada aqooneed, bulshadaada iyo inaad la xiriirto dadka kale.

Important pages
  • all questions
  • about us
  • Membership Account
Help & Support
  • Contact Us
  • frequently asked questions
  • Privacy Policy
  • Terms and Conditions

Download Now Mobile and enjoy it on your iPhone, android, and iPod touch... all from a modern mobile app powered by the somnest Platform.

Download app from

app-storeplay-store
© 2025 Somnest. All Rights Reserved.
People Who like this post
  • img
img