FAA'IIDOOYINKA LIIN DHANAANTA?

1 Answers

  1. Queen of somalia

    Liin dhanaantu waxaa laga helaa faa’iidooyin caafimaad oo aan halkaan ku soo koobi karin, lkn waxaan ka hadli doonaa ALLE idinkii waxtarka iyo faa’iidooyinka liin dhanaanta oo laysku waafaqsanyahay ee laga helo liin dhanaanta.

    ugu horeyn liin dhanaantu waa aashito,lkn markii ay jirka gudaha u gasho waxay yareysaa aashitada jirka,taasoo isku dheeli tiraysa dheecaamada jirka.

    Liin dhanaanta waxa aad ugu badan vitamin c kaas oo xoojinaya difaa jirka,wuxuuna la dagaalamaa infekshanada ay keenaan feeyrasyada sida hargabka iyo ifilada.  Sidoo kale liin dhanaantu waxay caawisaa shaqada beerka,waxayna dhalaalisaa waxyaabaha halista ku ah beerka sida aashitada loo yaqaano “yurik aaysiid.”

    Sidaa daraadeed qubarada caafimaad waxay qofka kula taliyaan in subaxa hore uu cabo biyo 

    liin dhaana diiran ama qandac ah si uu beerka u nadiifsamo.

    Liin dhanaantu sidoo kale waxay daawo u tahay cudarka cirid dhiiga “Scurvy”

    Liin dhanaantu waxaa ku jirta aashitada loo yaqaano”cetric acid” taas oo jirka ka caawiso in ay dhalaaliso dhagaxaanta ku sameeysmo xamiitiga iyo killiyaha.

    Sidoo kale liin dhanaantu waxay xal u noqotaa caburka iyo oksijiin yarida.

    Liin dhanaantu waxay wanaajisaa araga,iyadoo daawo u ah xanuunada ku dhaca shabakada isha ee loo yaqaano “Retina” 

    Dhina kale liin dhanaanta waxay xoojiysaa xididdada waxayna yareysaa halista ah in ay xididdada dilaacaan ama qofka dhiig bax jirka gudihiisa ku yimaado gaar ahaan dadka qabo dhiig karka.

    Liin dhanaantu waxaa ku jiro 22 walxood oo la dagaalama cudurka “Kansarka” kuwaas oo ALLE ku abuuray liin dhanaanta,howsha ugu badan ay qabtaan walxahaas waa hakinta ama joojinta tarmida unugyada kansarka

    Liin dhanaantu waxay jirka siisa nafaqo kale duwan oo iskugu jirta: vitamin c,uric acid,vitamin b,calcium,iron,magnesium,potassium iyo kuwoo kale oo badan.

Leave Answer

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Stay connected
January 2025
MTWTFSS
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031