Caawiye app
Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world
Don't have an account?Sign Up
Caawiye app
Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world
Already have an account?Login
Min Maxi Allegri, Di Maria, Rabiot Illaa Maamulka: SADDEX Go’aan Oo Laga Sugayo Juventus Oo Sannadkii 2aad Koob La’aan Ah?
Stay connected
M | T | W | T | F | S | S |
---|---|---|---|---|---|---|
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | ||
6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 |
13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 |
20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 |
27 | 28 | 29 | 30 | 31 |
1 Answers
Queen of somalia
Juventus yaaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah uu u dhamaanayaa iyadoo aan wax koob ah ku guuleysanin, waxaanay maamulkeedu ka fiirsanayaan in ay qaataan saddex go’aan oo waaweyn oo miiska u saaran maamulka sare ee naadigan ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka 2023/24.
Bianconeri oo xalay ay Sevilla ku reebtay semii-finalka Europa League aya xaqiiqsatay in aanay wax koob ah ku guuleysanayn sannadkii labaad oo xidhiidh ah, waxaanay taasi sababaysaa in isbedello lagu sameeyo kooxda.
Sida uu qoray wargeyska Tuttosport ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, saddex go’aan ayaa ay maamulka Old Lady qaadan doonaan, waxaanya ka bilaabi doonaan mustaqbalka tababare Massimiliano Allegri oo ay meel ku tiirin doonaan ka hor inta aanay tallaabada xigta qaadin.
Allegri ayaa lagu eedeeyey in si fudud loo saadaalin karayo qaab ciyaareedka iyo taatikooyinka kooxdiisa ee uu kala hor tegayo naadiyada kale, isla markaana labadii sannadood ee uu joogay Allianz Stadium aan ku guuleysanin wax koob ah.
Waxa kale oo ku xigi doona in ay magacaabaan agaasime ciyaareed, si ay kooxdu dibu-dhis habboon u hesho, waxana lala xidhiidhinayaa Cristiano Giuntoli oo la sheegay inay suurtogal tahay inuu ka tegayo Napoli.
Go’aanka saddexaad ee ay Juventus gaadhayso ayaa waxa uu yahay dhinaca ciyaartoyda, iyada oo laga bilaabayo Angel Di Maria oo muujiyey in uu aad uga niyad-jabsan yahay kooxdiisa oo uu sannadkii mushahar uga qaato €7 milyan oo Euro, waxan uu qandaraaskiisu ku egyahay bisha June. Waxa kale oo xaaladdaas oo kale ku jira Adrien Rabiot.