Sida loo tiriyo dhaqdhaqaaqa uur kujirka?

1 Answers
Queen of somalia
May 22, 2023, 11:52 pm
1.Dooro meel degan oo kuu saamaxaysa inad u fiirsatid dhaqaaqyada ilmahaaga. 2.U jiifo dhinac ama ku fadhiiso kursi raaxo leh. 3.Qor wakhtiga aad bilaabtid tirinta dhaqdhaqaaqyada. (Isticmaal shaxanka ku yaala dhabarka.) Hal calaamad samee wakhti kasta oo ilmahaagu sameeyo haraati, is maroojiyo ama leexdo. Ha tirin higada. Wad tirada illaa ad ka dareentid 10 dhaqaaq. Ha wadin tirinta wax ka badan laba saacadood. 4.Marka ilmahaagu dhaqaaqay 10 jeer, qor wakhti la joogay. Qor isku-darka wakhtiga ay qaadatay inad tirisid 10 dhaqaaq. (Badanaa, 10 dhaqaaq waxay dhacaan mudo ka yar 30 daqiiqadood.)

Leave Answer

You must be logged in to answer.