sidee luuqada Ingiriiska si fudud ugu baran karaa?

1 Answers
caawiyepanel
May 29, 2022, 9:09 am
Barashada afka ingiriiska waxa ay u baahan tahay go’aan iyo dadaal badan. Waxaa jira qodobo saamayn ku yeelan doona inaad si fudud ku barato ingiriiska – oo ay ka mid tahay sababta aad u baranayso, awoodda aad u leedahay, iyo wakhtiga aad u hurayso inaad barato Ingiriisiga. Haddaba Samee qodobadaan soo socda: 1 fasal ingiriis lagu barto gal mid caadi ah ama online. 2 dhageyso English podcast maalin kasto 30 daqiiqo ugu yaraan. 3 daawo muqaalo youtube ingiriis ah sida channelka easy English iyo kuwa lamidka ah. 4 wax akhri: wax akhriska waxa uu kaa caawinaa inaad kobciso ereyadaada. Akhri buugaagta sheekooyinka yar yar. Ugu dambeyntii, barashada ingiriiska waxa ay qaadan doontaa waqti, dulqaad badan lahoow.

Leave Answer

You must be logged in to answer.