waa imisatiirka islaamku

3 Answers

  1. Queen of somalia

    Sida ku xusan xadiiska iyo sunaha, shanta tiir ee Islaamku waa:

    Shahadah: Qiritaanka in Ilaahay maahine aanu Ilaah kale jirin, Muxamadna uu Rasuulkii Ilaahay yahay:- Waa albaabka uu qofku Islaamnimada ka soo galo, waana in qofku qalbiga ka rumeeyaa in Ilaahay mooyee aanu jirin Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa carrabkana uu ka yiraahdo isaga oo dhahaya “اشهد ان لا اله الا الله و اشهد ان محمد رسول الله “”Ash-hadu Allaa Ilaaha Illallaahu Wa Ash-hadu Anna Muxamadun Rasuulu-Laah” .Salaadda:- Waa tiirka laf dhabarka u ah diinta Islaamka waana shan Salaadood oo uu addoonku tukanayo habeenkii iyo maalintii,Zakada:- Waa tiirka saddexaad,waxaana ay waajib ku tahay dadka hantida leh in ay in go’an oo ay diinta Islaamku u goysay ay Sako u bixiyaan si loo siiyo dadka ay ku baxdo, qofkii diidana dawladda Islaamka ayaa xoog kaga qaadaysa si loo gaarsiiya dadkii xaqa u lahaa, qofkii jiritaankeeda beeniyana diinta Islaamka ayuu kaga baxayaa.Soonka:- Waa tiirka afraad, waana waajib saaran qof kasta oo Muslim ah, waana wajib ah in qofku ka soommanaado cuntada, cabitaanka iyo galmoodka laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa laga gaaraayo qorraxda marka ay dhacdo, qofkii jiritaankiisa beeniyana diinta Islaamka ayuu kaga baxayaa.Xajka:- Waa tiirka shanaad,waxaana ay waajib ku tahay dadka kari kara ee hanti u haysta uu ku xajiyo,waana halmar inta uu nool yahay, isagoo addoonku tagaya Maka Almukarama si uu u soo guto Xajka isla markaana booqanaya Madiina , qofkii jiritaankeeda beeniyana diinta Islaamka ayuu kaga baxayaa.

Leave Answer

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Stay connected
January 2025
MTWTFSS
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031