Caawiye app
Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world
Don't have an account?Sign Up
Caawiye app
Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world
Already have an account?Login
Stay connected
M | T | W | T | F | S | S |
---|---|---|---|---|---|---|
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | ||
6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 |
13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 |
20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 |
27 | 28 | 29 | 30 | 31 |
1 Answers
Queen of somalia
Gaaska waa caabuq ku dhaca xuubka ku dahaaran caloosha, ama in ay cuntada dib ugu laabato daboolka u dhaxeeyo hunguri mareenka iyo caloosha, ama in uu nabar kasoo baxa meesha ay iska galaan caloosha iyo mindhicir yaraha intaas ayaa loo yaqaanaa gaas.
Calaamadaha cudurka gaaska
Cudurkaan soomaalidu ay u taqaano gaas malahan hal calaam oo gooni ah waa calaamado kale duwan oo isku tagay waxaa ka mid ah:
Qofka in uu dareemo bog xanuun muddo dheer. sidoo kale qofka in uu dareemo lalabo joog ah.
In qofka cuntada calooshiisa iska kale fadhiisato oo dhaqsi ugu baxaynin.
Waxaa lagu gartaa qofka in uu dareemo dibiryo.
Sidoo kale qofka in uu dareemo xanuun markii uu cuno cuntooyin ama daawooyin qaar.
Sidoo kale waxaa lagu gartaa in uu leeyahay daaco fara badan.
Calaamadahaas guud oo isku tagay ayaa waxaa loo yaqaanaa “dyspepsia”
Daawadiisa
Marka hore ALLE “S W” ayaa wax daaweeya, ALLE ka sokoow markii ay noqoto daawayn waxaa wanaagsan in aad la tashato dhaqtarkaaga oo uu kaa baaro cudurka.
Sidoo kale waxaa jira daawooyin dabiici ah oo loo isticmaali karo cudurkan sida:
Qofka in uu aroorti hore cabo biyo badan asoo baahan, maalinta inteeda kalena uu cabo biyo badan ilaa 3_4 liter oo biya ah.
Sidoo kale qofka in uu cuno cuntooyin isku dheeli tiran “balance diet food”.