1 Answers
<strong>D</strong>uumadu waa cudur halis galin kara nolosha. Waxay ka mid tahay cudurada faafa, <em>waxaa sababa daris ku noole il ma’aragta ahaa. Waxayna ku faaftaa qaniinyada kaneecada dumarka ah (Anophel mosquito).</em> Marka ay qaniinto kaneecada qabta cudurka, sunta waxay ku daysaa jirka waxa ayna raacda wareega dhiiga, 48-72 saacadood gudahood sunta waxa ay ku badataa Unug-yada dhiiga cas, waxayna u safartaa xaggaa iyo beerka halkaas oo ay ku qaangaarto. <em> </em><em>Duumadu</em> waxa ay weerartaa oo burburisaa unugayada dhiig cas. Nooco ugu dhibta badan waxa loo yaqanaa Bii’ef (Plasmodium Falciparum), noocaan waxay burburisaa dhamaan unugyada dhiiga cas haday noqon lahayd kuwa la sameeyey iyo kuwa waaweynba, taasoo keeni karta dhiig la’aan iyo cagaarshoow.
Leave Answer
You must be logged in to answer.