Loading...

waa maxay duumo?

1 Answer

1 Answer

  1. Duumadu waa cudur halis galin kara nolosha. Waxay ka mid tahay cudurada faafa, waxaa sababa daris ku noole  il ma’aragta ahaa. Waxayna  ku faaftaa  qaniinyada kaneecada dumarka ah (Anophel mosquito).

    Marka ay qaniinto kaneecada qabta cudurka, sunta waxay ku daysaa jirka waxa ayna raacda wareega dhiiga, 48-72  saacadood  gudahood sunta waxa ay ku badataa Unug-yada dhiiga cas, waxayna u safartaa xaggaa iyo beerka halkaas oo ay ku qaangaarto.

     Duumadu waxa ay weerartaa oo burburisaa unugayada dhiig cas. Nooco ugu dhibta badan waxa loo yaqanaa Bii’ef (Plasmodium Falciparum), noocaan waxay burburisaa dhamaan unugyada  dhiiga cas haday noqon lahayd  kuwa la sameeyey iyo kuwa waaweynba, taasoo keeni karta  dhiig la’aan iyo cagaarshoow.

You must be logged in to answer.

Log In to Answer

Cookie Policy

Caawiye is a community-driven Q&A platform. We use cookies to enhance your experience and ensure our services work correctly. Learn more

Message