1 Comments

  1. Caawiye Member

    Falkaab waxaa la yiraahdaa erayada caddeeya sida wax u dhacaan ama u qabsoomaan. Falkaabyadu waxay u kala baxaan: Falkaab waqti, f. meeleed, f. jaho, f. masaafo, f. siyeed iyo f. ra’yi.

    1. Falkaab waqti: wuxuu caddeeyaa waqtiga ay wax dhacaan ama qabsoomaan. Tusaale:
      1. Cali baan barqadii arkay.
      2. Baabuurku hadda ayuu ka yimid Afgooye.
    2. Falkaab meeleed: wxuu caddeeyaa meesha ay wax ku/ka dhacaan ama ku/ka qabsoomaan. Tusaale:
      1. Shimbir baa aqalka dushiia saaran.
      2. Qalinkii wuxuu yaallaa miiska korkiisa.
      3. Bisad baa kursiga hoos fadhida.
    3. Falkaab jaho: Waa erayga caddeynaya xagga ama jahada ay wax u dhacaan ama u qabsoomaan. Tusaale:
      1. Faarax wuxuu sii maray jid dheer.
      2. Geeddi baa arigii soo celiyay.
      3. Irridu waxay u jeedaa bari.
    4. Falkaab masaafo: wuxuu caddeeyaa fogaanta ama dhawaanta wax ama meel jirto.
      1. Baabuurkii wuxuu socday afartan mayl.
      2. Labaatan km buu askarigii rucleeyey.
      3. Sadex tallaabo ayaan horay u qaaday.
    5. Falkaab siyeed: wuxuu caddeeyaa sida wax u dhacaan ama u qabsoomaan. Tusaale:
      1. Degdeg buu Warsame igu dhaafay.
      2. Guuleed baa faraska xoog usha ugu dhuftay.
      3. Rooble caanaha geela aad buu u jecel yahay.
    6. Falkaab Ra’yi:  waa erayga kala caddeeya kolka ay jawaabtu tahay “haa” ama “maya”. Tusaale:
      1. Cawaale ma aragtay? Maya, ma arag.
      2. Casharkii ma baratay? Haa, waan bar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *