waa maxay noole?

2 Answers

  1. Queen of somalia

    Noole (Af Ingiriis : Living Thing) waa wax walba oo naf leh, dhaq-dhaqaaqi kara, soo dhasha, jidhkiisu koro isla markaana dhinta kaas oo ku nool oogada [1] ama meere kale.

    Ereyga Noole waxa soo hoos-gala dhamaan wixii naf ku jirto.

    Noolaha waxaa ka mid ah dhamaan xayawaanka oo dadku ka mid yahay, dhirta, baakteeriyada, fungiga iwm.

    Noolahu wuxuu sameeyaa dhaqdhaqaaq iyo xarakaad, waxuuna u baahan yahay hawo, biyo iyo cunto si uu u koro isla markaana u sii noolaado. Noolaha qaar, sida geedaha waxay u baahan yihiin awooda ileyska qoraxda si uu u sameeysto cunto isla markaana u sii noolaado. noolahu wuxuu leeyahay astaamo kala duwan

    Waxa lid ku ah kalmada Ma Noole oo lagu qeexo dhamaan waxyaabaha bila nafta ah.

    Dhoobo baa binuʼaadanka laga sameeyay.

Leave Answer

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Stay connected
January 2025
MTWTFSS
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031