1 Answers
Ereyga Noole waxa soo hoos-gala dhamaan wixii naf ku jirto. Noolaha waxaa ka mid ah dhamaan xayawaanka oo dadku ka mid yahay, dhirta, baakteeriyada, fungiga iwm. Noolahu wuxuu sameeyaa dhaqdhaqaaq iyo xarakaad, waxuuna u baahan yahay hawo, biyo iyo cunto si uu u koro isla markaana u sii noolaado. Noolaha qaar, sida geedaha waxay u baahan yihiin awooda ileyska qoraxda si uu u sameeysto cunto isla markaana u sii noolaado. noolahu wuxuu leeyahay astaamo kala duwan Waxa lid ku ah kalmada Ma Noole oo lagu qeexo dhamaan waxyaabaha bila nafta ah.
Leave Answer
You must be logged in to answer.