Loading...

waa maxay biology

1 Answer

1 Answer

  1. Bayoolojigu waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa uu kasoo jeedaa laba eray oo af Giriig ah oo la israaciyey; bios “nolol”, iyo, ,-logos “barashada”. Sidaas awgeed, waxaa lagu fasiri karaa “Nolol-Aqoon”.

    Maanta laamaha saynisku aad baa ay isugu darsameen, soohdimihii u dhaxayn jireyna waa ay sii baaba’ayaan. Sidaas awgeed, laan saynis oo keligeed goonni u taagani ma jirto. Bayoolojigu waxa uu aad xidhiidh ula leeyahay laamaha kale ee sayniska, sida kimistariga iyo fiisigiska.

    Bayoolojigu waxa uu u kala baxaa laamo hoosaad. Barashada dhirta (botany), barashada xayawaanka (zoology), barashada unugyada (cytology/ cellular biology), hiddaha iyo hiddesideyaasha (genetics), molikuyuullada nolosha (biochemistry), barashada falalka nololeed (physiology) xidhiidhka ka dhexeeya noolaha iyo degaankiisa (ecology).

You must be logged in to answer.

Log In to Answer

Cookie Policy

Caawiye is a community-driven Q&A platform. We use cookies to enhance your experience and ensure our services work correctly. Learn more

Message