waa maxay biology

1 Answers
Wanagzan Sabiriina
April 22, 2023, 11:19 pm
Bayoolojigu waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa uu kasoo jeedaa laba eray oo af Giriig ah oo la israaciyey; bios “nolol”, iyo, ,-logos “barashada”. Sidaas awgeed, waxaa lagu fasiri karaa “Nolol-Aqoon”. Maanta laamaha saynisku aad baa ay isugu darsameen, soohdimihii u dhaxayn jireyna waa ay sii baaba’ayaan. Sidaas awgeed, laan saynis oo keligeed goonni u taagani ma jirto. Bayoolojigu waxa uu aad xidhiidh ula leeyahay laamaha kale ee sayniska, sida kimistariga iyo fiisigiska. Bayoolojigu waxa uu u kala baxaa laamo hoosaad. Barashada dhirta (botany), barashada xayawaanka (zoology), barashada unugyada (cytology/ cellular biology), hiddaha iyo hiddesideyaasha (genetics), molikuyuullada nolosha (biochemistry), barashada falalka nololeed (physiology) xidhiidhka ka dhexeeya noolaha iyo degaankiisa (ecology).

Leave Answer

You must be logged in to answer.