loader
Skip to content

Caawiye App

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Forgot Password?

Don't have an account?Sign Up

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Already have an account?Login

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
Queen of somalia
May 20, 2023 | 7:43 pm |1 Answers

Jacaylkii uu kala geeyay dagaalkii Labaad ee Adduunka oo 75 sano ka dib si cajiib ah isku helay?

×

Edit Question

×

Report Content

Explain why you are reporting this content:

Select Reason:

Misleading or scam
Spam
Violent or abusive
1 Answers
Please log in to reply.
Queen of somalia
May 20, 2023, 7:49 pm
Lamaanahan is jecel oo u kala dhashay Mareykanka iyo Faransiiska ayaa markii ugu horreysay kulmay xilligii uu socday dagaalkii Labaad ee Adduunka, laakiin si kadis ah ayey ku kala fogaadeen, mid walbana wax xiriir ah kama helin kii kale. Sanadkii 1944-tii KT Robbins, oo ahaa askari ka tirsan ciidankii Mareykanka ayaa ciidankii uu la socday la geeyay Briey oo ku taalla bariga dalka Faransiiska. Intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu jeclaaday gabar 18 jir Faransiis ah oo lagu magacaabo Jeannine Pierson née Ganaye. Laakiin 2 bilood ka dib, waxaa si deg deg ah ciidan uu ku jiro loogu qaaday furinta dagaalka ee dhinaca bari, wuxuuna ku khasbanaaday in uu si lama filaan ah uga tago xaafaddii ay ku sugneyd gabdhii uu jeclaa, umana suurtagalin inay dardaarmaan Hal sawir oo uu ka hayay ayuu xafiday, wuxuuna heystay muddo ka badan 70 sano, isagoo aan ogeyn sida ay ku dambeysay nolosha jacaylkiisii. Dhawaan ayuu sawirkii tusay koox wariyeyaal ah oo ka socday warbaahinta Faransiiska ee France 2, kuwaasoo barnaamij ka diyaarinayay rug caddaayadii ciidanka Mareykanka ee ka qeyb galay dagaalkii 2-aad ee dunida. Dhowr isbuuc ka dib, KT Robbins waxa uu safar ku aaday Faransiiska, si uu uga qeyb galo xafladda xuska maalinta D-day, oo ah 75 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay dagaalkii ka dhacay Faransiiska ku jabeen ciidankii Naasiga ee uu jarmalka hoggaaminayay. Layaabkii uu la kulmay wuxuu ahaa in wariyeyaashii uu sawirka tusay ay ku guuleystaan inay soo helaan gabadhii uu jeclaa, ee ay kala lunsanaayeen muddada dheer. Waxa uu kula kulmay xarun dadka waayeelka lagu xannaaneeyo oo ku taalla Faransiiska, farxadda ka muuqatayna ma ahayn mid lasoo koobi karay. Jeannine markii ay gacaliyaheeda weysay, ma jirin meel ay kala xiriir kartay, waxayna sugeysay inuu mar uun dib ugu soo laaban doono. Laakiin taasi ma dhicin, nolosheedii ayey iska sii wadatay, wayna guursatay, 5 carruur ah ayeyna dhashay. "Mar walba waan ka fakari jiray, waxaan is lahaa wuu soo noqon doonaa, qof walba oo aan arko waan ka wareysan jiray, balse ma helin cid ii sheegta warkiisa," ayey tidhi. KT Robbins qudhiisa waxa uu qoys iyo carruur ku yeeshay Mareykanka, balse waligiis niyadiisa kama uusan saarin gacalisadiisa.
Please log in to reply.

Leave Answer

You must be logged in to answer.

🔥 Popular Questions
  • Faaris Poi
    3 geed oo weelka lagu culan jiray
    Mar 29, 2023 - 19:22 |8 Answers
  • Kadalab Services
    waa kuma madaxweynaha Soomaaliya 2023?
    Mar 17, 2023 - 16:31 |2 Answers
  • clraxmaan macquul
    what is deferent between messenger and prophet
    Apr 12, 2023 - 11:49 |1 Answers
  • Queen of somalia
    sheeg malagii waxyiga u keeni jiray nabigeena Muhammed scw?
    Dec 15, 2022 - 22:40 |4 Answers
  • caawiye Admin
    What is information System?
    Jan 29, 2021 - 11:18 |1 Answers
Trending Categories
84

f4 Biology subject

25

F4 business subject

10

F4 Chemistry subject

13

f4 English subject

20

f4 Geography subject

29

f4 History subject

8

f4 math subject

34

f4 physics subject

4

f4 Somali subject

16

f4 technology subject

43

Hal xiraale

1

Health

17

Jobs & Education

36

luqadaha

43

Nolosha iyo Dhaqanka

281

Other Asked Questions

327

Poll Questions

28

saynis

15

school

4

Siyaasad iyo Maamulka

6

Sports

270

Su'aalaha Diinta

59

Suaalaha Caafimaadka

11

subjects definition

27

Taariikh

41

Technology & Engineering

10

University

88

wadamada caalamka

82

wadankeena

16

waxbarasho

18

Website & Programs

20

xisaab

56

Xoolaha Iyo dhirta

About

Caawiye Q&A waa website iyo application la isku wedaarsado su’aalo aqooneed iyo Jawaabaha kaas oo kaa caawin doona inaad dhisto afkaartada aqooneed, bulshadaada iyo inaad la xiriirto dadka kale.

Important pages
  • all questions
  • about us
  • Membership Account
Help & Support
  • Contact Us
  • frequently asked questions
  • Privacy Policy
  • Terms and Conditions

Download Now Mobile and enjoy it on your iPhone, android, and iPod touch... all from a modern mobile app powered by the somnest Platform.

Download app from

app-storeplay-store
© 2025 Somnest. All Rights Reserved.
People Who like this post
  • img
img