Caawiye app
Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world
Don't have an account?Sign Up
Caawiye app
Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world
Already have an account?Login
Jacaylkii uu kala geeyay dagaalkii Labaad ee Adduunka oo 75 sano ka dib si cajiib ah isku helay?
Stay connected
M | T | W | T | F | S | S |
---|---|---|---|---|---|---|
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | ||
6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 |
13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 |
20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 |
27 | 28 | 29 | 30 | 31 |
1 Answers
Queen of somalia
Lamaanahan is jecel oo u kala dhashay Mareykanka iyo Faransiiska ayaa markii ugu horreysay kulmay xilligii uu socday dagaalkii Labaad ee Adduunka, laakiin si kadis ah ayey ku kala fogaadeen, mid walbana wax xiriir ah kama helin kii kale.
Sanadkii 1944-tii KT Robbins, oo ahaa askari ka tirsan ciidankii Mareykanka ayaa ciidankii uu la socday la geeyay Briey oo ku taalla bariga dalka Faransiiska.
Intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu jeclaaday gabar 18 jir Faransiis ah oo lagu magacaabo Jeannine Pierson née Ganaye.
Laakiin 2 bilood ka dib, waxaa si deg deg ah ciidan uu ku jiro loogu qaaday furinta dagaalka ee dhinaca bari, wuxuuna ku khasbanaaday in uu si lama filaan ah uga tago xaafaddii ay ku sugneyd gabdhii uu jeclaa, umana suurtagalin inay dardaarmaan
Hal sawir oo uu ka hayay ayuu xafiday, wuxuuna heystay muddo ka badan 70 sano, isagoo aan ogeyn sida ay ku dambeysay nolosha jacaylkiisii.
Dhawaan ayuu sawirkii tusay koox wariyeyaal ah oo ka socday warbaahinta Faransiiska ee France 2, kuwaasoo barnaamij ka diyaarinayay rug caddaayadii ciidanka Mareykanka ee ka qeyb galay dagaalkii 2-aad ee dunida.
Dhowr isbuuc ka dib, KT Robbins waxa uu safar ku aaday Faransiiska, si uu uga qeyb galo xafladda xuska maalinta D-day, oo ah 75 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay dagaalkii ka dhacay Faransiiska ku jabeen ciidankii Naasiga ee uu jarmalka hoggaaminayay.
Layaabkii uu la kulmay wuxuu ahaa in wariyeyaashii uu sawirka tusay ay ku guuleystaan inay soo helaan gabadhii uu jeclaa, ee ay kala lunsanaayeen muddada dheer.
Waxa uu kula kulmay xarun dadka waayeelka lagu xannaaneeyo oo ku taalla Faransiiska, farxadda ka muuqatayna ma ahayn mid lasoo koobi karay.
Jeannine markii ay gacaliyaheeda weysay, ma jirin meel ay kala xiriir kartay, waxayna sugeysay inuu mar uun dib ugu soo laaban doono.
Laakiin taasi ma dhicin, nolosheedii ayey iska sii wadatay, wayna guursatay, 5 carruur ah ayeyna dhashay.
“Mar walba waan ka fakari jiray, waxaan is lahaa wuu soo noqon doonaa, qof walba oo aan arko waan ka wareysan jiray, balse ma helin cid ii sheegta warkiisa,” ayey tidhi.
KT Robbins qudhiisa waxa uu qoys iyo carruur ku yeeshay Mareykanka, balse waligiis niyadiisa kama uusan saarin gacalisadiisa.