1 Answers
Sadaqada waxay leedahay qisooyin iyo faa’idooyin cajiib ah oo aan lasoo koobi karin,balse waxan soo qaadan doonna 10 kamid ah faa’iidooyinka laga helo sadaqada.
{1}70{toddobaatan}albaab oo musiibooyin iyo xumaan kaga imaan lahayd ayay kaa xijaabaysaa sadaqa.
{2}Sadaqada waxay kaa tirtiraysaa ama kaa dhaqaysaa dambigii aad gashay.
{3}Maalinka qiyaamo hoos ama har ayay kuu noqoneysaa sadaqada.
{4}Dadka xanuunsan ayaa lagu daaweeyaa sadaqada, rasuulka {NNKH}wuxuu yiri (kuwiina xanuunsan ku daaweeya sadaqada)
{5}Naarta ayay kaa weecineysaa ama kaa leexineysaa sadaqada.
6}Qalbiga ayay kuu jilcineysaa sadaqada, rasuulka {NNKH} wuxuu yiri (qofkii rabo inuu qalbigiisa jilciyo dad masaakiinta wax ha siiyo agoontana ha ilaaliyo)
{7}Maalin walbo malak ayaa kuu duceynaya.
{8}Qofka sadaqada badan jannada albaab ayuu ku leeyahay.
{9}Balaayada ayay kaa difaaceysaa sadaqada.
{10}Sadaqada way ku dhahireysaa/ku nadiifineysaa xoolaha iyo lacagtana way kuu badineysaa. Nabiga wuxuu yiri {NNKH}"xoolo sadaqa laga bixiyo ma nusqaamaan."
Leave Answer
You must be logged in to answer.