1 Answers
Sadaqada waxay leedahay qisooyin iyo faa’idooyin cajiib ah oo aan lasoo koobi karin,balse waxan soo qaadan doonna 10 kamid ah faa’iidooyinka laga helo sadaqada. {1}70{toddobaatan}albaab oo musiibooyin iyo xumaan kaga imaan lahayd ayay kaa xijaabaysaa sadaqa. {2}Sadaqada waxay kaa tirtiraysaa ama kaa dhaqaysaa dambigii aad gashay. {3}Maalinka qiyaamo hoos ama har ayay kuu noqoneysaa sadaqada. {4}Dadka xanuunsan ayaa lagu daaweeyaa sadaqada, rasuulka {NNKH}wuxuu yiri (kuwiina xanuunsan ku daaweeya sadaqada) {5}Naarta ayay kaa weecineysaa ama kaa leexineysaa sadaqada. 6}Qalbiga ayay kuu jilcineysaa sadaqada, rasuulka {NNKH} wuxuu yiri (qofkii rabo inuu qalbigiisa jilciyo dad masaakiinta wax ha siiyo agoontana ha ilaaliyo) {7}Maalin walbo malak ayaa kuu duceynaya. {8}Qofka sadaqada badan jannada albaab ayuu ku leeyahay. {9}Balaayada ayay kaa difaaceysaa sadaqada. {10}Sadaqada way ku dhahireysaa/ku nadiifineysaa xoolaha iyo lacagtana way kuu badineysaa. Nabiga wuxuu yiri {NNKH}"xoolo sadaqa laga bixiyo ma nusqaamaan."
Leave Answer
You must be logged in to answer.