loader
Skip to content

Caawiye App

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Forgot Password?

Don't have an account?Sign Up

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Already have an account?Login

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
Queen of somalia
May 20, 2023 | 7:13 pm |1 Answers

10 Suaalood Oo Ay Tahay Inaad Isweydiiso Maalin kasta Si Aad Noloshaada u horumariso?

×

Edit Question

×

Report Content

Explain why you are reporting this content:

Select Reason:

Misleading or scam
Spam
Violent or abusive
1 Answers
Please log in to reply.
Queen of somalia
May 20, 2023, 7:24 pm
Waxaa lagama maarmaan ah in qofkasta uu isweydiiyo, ‘anigu kumaan ahay?, maxaan ahaan jiray iyo maxaan ahaan doonaa?” ? waxaa xikmadaan adeegsan jiray Qoraa caan ahaa oo lagu magacaabo Carl Sandburg. 1. Miyaan ka fiicanahay sidii aan shalay ahaa? Waxaad ogsoonaataa in aad hormar gaareysid hadii aad isweydiiso maalinkasta su’aasha ah miyaan ka fiicanahay sidii aan ahaa shalay? Hadii aad tani joogtayso aadna u hesho jawaab ku haboon, waxaa hubaal ah in aad marwalba ahaanaysid qof hormar gaara waqtiba waqtiga ka sii dambeeya. 2. Miyaan leeyahay dabeecad wanaagsan? “Hadii hanti ay lunto, waxba kaama lumin; hadii uu caafimaadka dhumo, xoogahaa ayaa kaa lumay, hadii uu dabciga uu kaa lumo… dhamaan wixii noloshaada ah waa aad lumisay.” – xigmadaan waxaa iska leh qoraaga caanka ah Billy Graham. Dabcigaaga wanaagsan wuxuu qeexayaa in uu qeyb ka qaato dhisida noloshaada iyo hormarkeeda. qurbo magazine ayaa ku leh si ay u wanaagsanaato dabeecadaada waxaad marwalba bulshada kula hadashaa hadal kiisa ugu jilicsan oo soo jiidasho leh, hana ka xanaajin dadka kula midka ah. 3. Miyaan bixiyay dadaal kiisa ugu wanaagsan oo shaqadeeda ah? ‘Miyaan dareemayaa xamaasad ku aadan shaqadeyda maanta?’ Miyaad wali galisay wixii qalbigaaga ku jira iyo adiga oo xamaasadeysan ma ka dhigtay shaqadaada mid hormarsan oo ay dadka u riyaaqaan? Hadii ay haa tahay ogsoonow in lagaaga baahan yahay inaad joogteyso, hadii ayse tahay maya isku day wixii maanta ka dambeeya in aad noloshaada barto hormarka shaqadaada. 4. Ma isweydiisay maxaa cusub oo aan maanta bartay? Baro sheey cusub maalin kasta maadaama maskaxdaada iyo caafimaadka jirkaaga ay yihiin qeyraadka ugu muhiimsan ee uu qofka leeyahay ayna ku dhismaan cilmiga oo looga faa’ideeyo. Waxaa muhiim ah in aad badiso aqrinta buugaagta si ay u dhisanto maskaxdaada. 5. Miyaan sameeyay doorasho badqab ah? Caafimaadkaaga waa mas’uuliyadaada, adiga ka warqaba daryeelida caafimaadkaaga 15 daqiiqo oo ka mid ah maalintii waxaa ay ka fiican tahay adiga oo aan iska warhaynin 24ka saac – maalintii iyo habeenkii oo dhan. Sidaas dardeed ka fogoow cuntada aan isku dheeli tirneyn iyo teeda aan wanaagsaneyn caafimaad ahaan. 6. Miyaan wali ka fakiray in aanan qaban wax aanan gaari karin qabashadiisa? Waa waajibaad ku saaran in aad kala ogaato wax aad qaban karto iyo wax aadan qaban karin – si aysan noloshaada ugu lumin waxa aadan qaban karin – maxaa yeelay qofkasta hadii uu degsado wax uu noloshiisa qaban karo iyo wax uusan qaban karin waa mid uu ku helaayo guusha si fudud oo aan dhib badan u marin. 7. Miyaan Wali Muujiyay jaceylka qoyskeyga iyo saaxiibadeeyda? Xasuusnoow in ereyga “muujin” in uusan ahayn macnihiisa kaliya ku fakarida jaceyl oo kaliya iyo hadal wanaagsan, laakiin waxaa uu macnihiisa dhabta ah yahay muuji jaceylkaaga iyo saameyntiisa adiga oo adeegsanaya labadaba – hadalo wanaagsan iyo ficil wax ku ool ah 8. Miyaan wali u hurray waqtigeyga kiisa ugu muhiimsan lamaanaheyga? Siinta lamaanaha waqtiga ugu muhiimsan, ma ahan hal waqti oo go’an maalintii ah, balse waxaa haboon in aad waqti badan siiso si aad ula wadaagto farxadda iyo hormarka nolosha; waana muhiim in aad markasta dhageysato lamaanahaaga. 9. Miyaan wali ahaaday mid iska yareeya xanaaqa loo qaado qofkale? Inta aadan tagin sariirta, waxaad isweydiisaa hadii uu jiro qof aad kala xanaaqsan tihiin ama aad is dirirsan tihiin. Waxaad is ku daydaa in aad noqoto qof damiya xurguftaasi idinka dhaxeyso. Qoraha maqaalkaan wuxuu leeyahay waa in aad wacdaa (qofka kale – hadii uusan kula joogin) aadna si xushmad leh uga codsataa in aad is cafisaan taasi oo muhiim u ah noloshaada. 10. Miyaan ahay qof ku socda qorshaha nolosheyda u degsan? Ahoow marwalba qof joogteeya waxa aad noloshaada u degsatay, maskaxdana gasho in aad sameyso wax wanaagsan oo aad qaban karto ayna yihiin wax adiga kuu faa’iideynaya. Qoraha maqaalkaan wuxuu ku soo gaban gabeynayaa dajinta hadaf guud oo qofka yeesho – waxaa ay bishaa hormarka qofka, balse hadii uusan laheyn qofka hadaf guud waxa ay ka dhigan tahay isaga oo nool sida xayawaanka oo kale oo aan nolosha ka laheyn u jeedooyin gaar ah. Ugu dambeyntii akhristaha Caawiye app kuxiran hadii aad horay wax ka mid ah 10 kaan su’aalood u heysatay jawaabahooda isku day in aad intaan iyo in ka badan hesho si aad u noqoto qof hormariya noloshiisa, waxeyna 10kaan su’aalood ay hormarinayaan natiijooyinka dhankasta oo uu qofka kaga baahan yahay nolosha.
Please log in to reply.

Leave Answer

You must be logged in to answer.

🔥 Popular Questions
  • issackalinurshakulay@gmail com
    waa maxay research methods
    May 26, 2023 - 21:38 |1 Answers
  • Reham Maxamed
    Faction of the skin maqaarka shaqada uu qabto
    Apr 03, 2023 - 11:51 |1 Answers
  • Dhuux Saalaxali
    waa imisa lafaha bini aadamka
    Apr 15, 2023 - 19:32 |2 Answers
  • Queen of somalia
    sheeg haweneydii uu horeysay ee ku shahiida islaamka?
    Jan 04, 2023 - 23:02 |2 Answers
  • Maxamuud Abdi
    waa maxay todob
    Apr 12, 2023 - 12:25 |1 Answers
Trending Categories
84

f4 Biology subject

25

F4 business subject

10

F4 Chemistry subject

13

f4 English subject

20

f4 Geography subject

29

f4 History subject

8

f4 math subject

34

f4 physics subject

4

f4 Somali subject

16

f4 technology subject

43

Hal xiraale

1

Health

17

Jobs & Education

36

luqadaha

43

Nolosha iyo Dhaqanka

281

Other Asked Questions

327

Poll Questions

28

saynis

15

school

4

Siyaasad iyo Maamulka

6

Sports

270

Su'aalaha Diinta

59

Suaalaha Caafimaadka

11

subjects definition

27

Taariikh

41

Technology & Engineering

10

University

88

wadamada caalamka

82

wadankeena

16

waxbarasho

18

Website & Programs

20

xisaab

56

Xoolaha Iyo dhirta

About

Caawiye Q&A waa website iyo application la isku wedaarsado su’aalo aqooneed iyo Jawaabaha kaas oo kaa caawin doona inaad dhisto afkaartada aqooneed, bulshadaada iyo inaad la xiriirto dadka kale.

Important pages
  • all questions
  • about us
  • Membership Account
Help & Support
  • Contact Us
  • frequently asked questions
  • Privacy Policy
  • Terms and Conditions

Download Now Mobile and enjoy it on your iPhone, android, and iPod touch... all from a modern mobile app powered by the somnest Platform.

Download app from

app-storeplay-store
© 2025 Somnest. All Rights Reserved.
People Who like this post
  • img
img