loader
Skip to content

Caawiye App

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Forgot Password?

Don't have an account?Sign Up

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Already have an account?Login

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
Ikraanjiiroow Ikraanjiiroow
May 15, 2023 | 7:06 am |1 Answers

cilmi bulashadaa

×

Edit Question

×

Report Content

Explain why you are reporting this content:

Select Reason:

Misleading or scam
Spam
Violent or abusive
1 Answers
Please log in to reply.
Queen of somalia
May 15, 2023, 9:26 am
CILMIGA BULSHADA(Sociology) Waa mid ka mid ah culuunta maanta ku soo korodhay adduunka ee lagu darso jaamacado badan oo adduunka ka mid ah. La mid maaha cilmiga loo yaqaan social science ee aan hore uga soo faalloonnay; hase ahaatee, waa mid madax bannaan. Inbadan oo ah dadka cilmigan bartaa kuna xeel dheeraadaa way ku fashilmeen in dhab ahaantii ay sidii la rabay u qeexaan amaba ay u soo bandhigaan, waxa se ay ku soo ururiyaan: waa barashada bulshada, yadoo loo dhabbe galayo is-dhexgalka bulshada iyo hannaanka ay bulsho gaar ahi u noolaato oo la barto. Sida lagu male weyn yahay, Ibnu Khaldun waa aabihii cilmigan loo yaqaan sociology. Sidoo kale waxa uu ahaa aabihii dhaqaalaha sida aan hore u soo tibaaxnay. Haddaba, Ibnu Khaldun oo dhintay muddo hore oo noolaa qarnigii 14aad ee Miilaadiga. Sida ku xusan buug aanu helnay oo laga qoray Ibnu Khadun iyo Aragtiyadiisii uu soo kordhiyay. Buuggaas waxa qoray arday Cali Xuseyn Wardi oo ku diyaariyay PhD. Waxa la daabacay 1950, Austin, Texas, boggaga uu ka kooban yahay waa 517 bog. Guud ahaan buuggaas waxa ku qoran waxa ka mid ah: malaha iyo hubaasha(Cilmiga Usuulu Fiqigu waxa uu u yaqaannaa Yaqiin iyo Danni), diinta iyo sababaynta, Islaamka iyo sida uu wax u sababeeyo, cilmiga suurtagalnimada ee logic loo yaqaan iyo Aristotle, Ibnu Khadun muxuu logic ka qabay, iwm. Ninkan Ibnu Khaldun loo yaqaan buuggiisa ugu caansan ee waxa loo yaqaan Muqaddimah ama Prolegomena. Waana buugga cilmiga ugu badan ee sociology ga laga bartay. Ibnu Khaldun wuxuu ku soo koobay cilmigan: Bulshadu waa noole dharaaraha uu adduunka joogo la kulma dhalasho, koritaan, qaan-gaadh, gabaw iyo dhimasho yadoo ay ugu wacantahay sida ay sunnada Rabi ku dureersantay. Sida aan ka soo gaadhnay odayga gadh-caddaaga ah, Soomaalidu waxay tilmaamaan in kolka hore uu caruur yahay, kadibna darandar, ka dib na dhallaan. Labka Soomaalidu waxay ku magacaabaan gaban; dheddigana dhoocil. Waxa xiga kuray iyo foodlay oo dumarka lagu tiraabo. Intaas ka dib inanku waa barbaar halka gabadhana gashaanti loogu yeedho. Marka xiga waa garmaweyn, marka xiga waa oday ama habar, marka xiga waa coomir xaaddu caddaatay, intaas ka dib labaduba waxay u iishaan xagga geerida waxaana ay Rabbi ku bilaabmaan baryo si dharaarihii hore wixii ay gaf galeen Alle uga dhaafo. Magaca Ibnu Khaldun waa mid bari iyo bogax ba ka dhacay. Ragga cilmigan darsaa hal mid oo Soomaalida faaido weyn u leh aan uga soo min guurinno. In badan waxa canaan lala fuulaa ruuxii gaf ku kaca, waxa lagu tilmaamaa mid maan-gaab ah, waxa lagu sagootiyaa magac xun, waxaana laga qaadaa maamuuskii iyo milgihii uu bulshada ku dhex lahaa. Haddaba, aqoonyahannada cilmigan darsaa waxay sheegaan in bulshada la ixtiraamo oo aan lagu celcelin waxa xun. Tusaale ahaan, haddii uu macalinku ama waalidku ilmaha yar ku celceliyaan saaqid ayaad tahay, waxa uu kolka danbe dhab u noqonayaa saaqid, haddii la yidhaahdo tuug baad tahay, kolka danbe falkii ayaa uu ku kacayaa. Dhinaca kale, haddii la yidhaahdo indheer-garad ayaad tahay, maan-dheeri ayaa Alle kugu mannaystay ugu danbayn waxa laga fishaaba waa sida lagu tilmaamay. Tijaabooyin badan oo ay sameeyeen aqoonyahannada falsafadda, cilmi-nafsiga iyo dabcan cilmigan bulshada waxa ay ogaadeen sugnaanshaha hawraartaas. Dardargelinta cilmigan ee reer Yurub wuxuu bilaabmay qarnigii 19aad.
Please log in to reply.

Leave Answer

You must be logged in to answer.

🔥 Popular Questions
  • Nimco Awil
    waa maxay dhir?
    May 27, 2023 - 09:19 |1 Answers
  • Saacid Saciid Cumar
    define mass and weight
    Oct 25, 2023 - 22:36 |1 Answers
  • Shukri Ciise
    samadee joogaa Nabi aadam c.s
    Mar 29, 2023 - 15:23 |1 Answers
  • Baari Khalif
    dagaalkii labad ee aduunka
    Apr 14, 2023 - 13:53 |1 Answers
  • Amaaliita quruxeyyy
    if the volume of gas is decreased and pressure is constant it's temperature will
    Dec 15, 2023 - 20:55 |1 Answers
Trending Categories
84

f4 Biology subject

25

F4 business subject

10

F4 Chemistry subject

13

f4 English subject

20

f4 Geography subject

29

f4 History subject

8

f4 math subject

34

f4 physics subject

4

f4 Somali subject

16

f4 technology subject

43

Hal xiraale

1

Health

17

Jobs & Education

36

luqadaha

43

Nolosha iyo Dhaqanka

281

Other Asked Questions

327

Poll Questions

28

saynis

15

school

4

Siyaasad iyo Maamulka

6

Sports

270

Su'aalaha Diinta

59

Suaalaha Caafimaadka

11

subjects definition

27

Taariikh

41

Technology & Engineering

10

University

88

wadamada caalamka

82

wadankeena

16

waxbarasho

18

Website & Programs

20

xisaab

56

Xoolaha Iyo dhirta

About

Caawiye Q&A waa website iyo application la isku wedaarsado su’aalo aqooneed iyo Jawaabaha kaas oo kaa caawin doona inaad dhisto afkaartada aqooneed, bulshadaada iyo inaad la xiriirto dadka kale.

Important pages
  • all questions
  • about us
  • Membership Account
Help & Support
  • Contact Us
  • frequently asked questions
  • Privacy Policy
  • Terms and Conditions

Download Now Mobile and enjoy it on your iPhone, android, and iPod touch... all from a modern mobile app powered by the somnest Platform.

Download app from

app-storeplay-store
© 2025 Somnest. All Rights Reserved.
People Who like this post
  • img
img