dheecanada ku jira Jirka bini aadamka?

1 Answers

  1. Queen of somalia

    Qiyaas ahaan waa 20% dheecaankaan ku jira bannaanka unuga wuxuu u kala qaybsamaa labo qaybood oo kala ah. Dheecaanka ku jira inta u dhexeeysa unugyada dhexdooda oo loo yaqaano interstitial fluids iyo kuwa kale oo loo yaqaano intravascular fluids. Dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka waa kuwa aad u tira badan kuwaas oo ku kala jira meela badan oo ka mid ah jirka bani’aadanka dheecaannadaas ku kala jira jirka bani’aadanka waxaa ka mid ah:

    Kaadida (urine)Dhiigga (blood)Shahwada ragga (sperm)Dheecaanka ku jirka maskaxda iyo laf dhabarta (cerebrospinal fluids)Dheecaanka ku jira hooyada uur ka leh (Amniotic fluids)Dheecaanka ku jira isgalka lafaha (Synovial fluids)Candhuufta (Saliva)Dhididka (Sweat)Dheecaanka ku jira sambabada (Pleural fluids)Dheecaanka ku jira caloosha (Peritoneal fluids)Macdanta ku jirta guud ahaan jirka bani’aadamka (Electrolytes)

    Waxaan si guud uga hadlaynaa dheecaannadaan aan kor kusoo sheegnay laakin waxaa jira dheecaanno ka badan intaas oo ku jira jirka bani’aadanka hase yeeshe inta aan kor ku soo sheegnay waa kuwa ugu muhiimsan oo inta badan aan ku sharxi-doono .Caawiye app Dheecaannada kale ee ku jira jirka bani’aadanka waxa kamid ah:

    Dheecaanka dacarta oo kale (Bile)Caanaha ka yimaada hooyada uurka leh (Breast milk)Dheecaanka ka yimaada caloosha (Gastric juice)Dheecaanka malaxda (Pus)Saxarada (stool/ fecal)Qaaxo waa walax candhuufta u ek laakin ka adag (Sputum) Ilinta (Tears)Dheecaannada ka yimaada hab dhiska taranka ee dumarka (Vaginal secretion)Mataga (Vomit)

    Dheecaannadaan aan kor soo sheegnay waa kuwa ka mid ah dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka.

Leave Answer

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Stay connected
January 2025
MTWTFSS
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031