FAA'IIDADA TIMIRTA?

1 Answers

  1. Queen of somalia

    Waxay ugu duwan tahay timirta cuntooyinka kale

    ugu horeyn timirtu waxay ka mid tahay cuntooyinka barakeeysan ee ALLE ” S W” barakeeyey ee nabiga noo tilmaamay “NNKH”, Timirtu waxay daaweysaa daciifnimada dhinaca galmada ah.
    Baaritaano caafimaad oo la sameeyey waxay ku sheegeen, in cunida timirtu oo la joogteeyo faa’iido weyn u leedahay rabitaanka dhinaca galmada ee lamaanaha.

    Faa’iidada timirta ku jirta

    Timirtu waxay ka hortag u tahay cancer-ka dhinaca caloosha ku dhaca, cilmi baaris ay sameeyeen khubarada caafimaadka waxay tilmaameysaa in cunida timirta ay ka hortag u tahay khataraha  cancer-ka ee dhinaca caloosha.
    Sidoo kale waxay qeyb muhiim ah ka qaadataa sare u kaca shaqada wadnaha iyo guud ahaan caafimaadkiis.
    waxay jirka ka saartaa sunta, timirtu waxay ka mid tahay cuntooyinka jirka sunta ka saara waxaana ku jira maadada fiber-ka.
    Timirtu waxaa laga helaa energy badan qofka cuno waxay siinaysaa firfircooni iyo energy dheeraad ah, waxaana sabab u ah sonkorta dabiiciga ah ee ku jirta.
    Dhinaca kale faa’iidada timirta waxaa ka mid ah, waxay daaweysaa dhiig la’aanta  joogteeynta timirta waxay daaweysaa dhiiga la’aanta. “H B” hemoglobin.
    Timirtu waxay ka qeyb qaadataa koriimada lafaha, waxaana ku jira maadooyinka lafaha koriya oo ay ugu weyntahay maadada “calcium” iyo maadooyin kale sida “phosphorus,vitamin c”

Leave Answer

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Stay connected
January 2025
MTWTFSS
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031