loader
Skip to content

Caawiye App

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Forgot Password?

Don't have an account?Sign Up

Caawiye App

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Already have an account?Login

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
Queen of somalia
May 1, 2023 | 2:40 pm |1 Answers

Faa’iidooyinka Akhriska Uu U Leeyahay Caafimaadka Jidhka Iyo Maskaxda?

×

Edit Question

×

Report Content

Explain why you are reporting this content:

Select Reason:

Misleading or scam
Spam
Violent or abusive
1 Answers
Please log in to reply.
Queen of somalia
May 1, 2023, 2:43 pm
Sannad kasta maanta oo kale 9 August, waxaa dunida oo dhan looga damaashaadaa ‘Maalinta Caalamiga ah ee Mucaashaqiinta kutubta / Akhriska’. Maalinta oo kale waxaa ay dadyowga dunidu ku xusaan in ay iibsadaan buug fiican oo ay akhriyaan, in ay tagaan rugaha akhriska iyo in ay ku begaan iibsiga buuggaagta ay hadba u baahan yihiin. Dalalka qaar naadiyada akhriska iyo dhalinyarada jecel dalaacashada kutubta aya isugu yimaadda munaasabado xus ah, tartanno akhriska ah, doodo buuggaagta la idhiidha iyo wacdiyo lagu dhiirrigelinayo wax akhriska. Anigu waxa aan maanta ku xusayaa in aan idinla wadaago talooyinkan iyo xogtan akhriska la xidhiidha: Akhrisku waxa uu xoojiyaa caafimaadka jidheed iyo maskaxeed ee qofka, faa’iidooyinka cilmi ahaan la xaqiijiyey in laga helana waxaa ka mid ah: Waxa uu dhisaa garaadka qofka.Waxa uu kobciyaa dareenka iyo caadifadda qofka: tusaale ahaan in maskaxdu ay awood sare u yeelato fahamka dareenka, qaab fikirka iyo aaminsanaanta dadka kale, waa arrinta uu cilminafsigu u yaqaanno “Theory of mind” Waxa aanu xoojiyaa awoodda uu qofku u leeyahay xidhiidhka bulshada, ilaalinta iyo buuxinta kaalinta uu ka qaadanayo xidhiidhada bulsho. Akhrisku Afka ayaa uu hodan ka dhigaa: Qofka akhriska badan ama da’ yaraan akhriska ku bilaabaa waxa uu hodan ku noqdaa ereyo, hal-ku-dhegyo, hal-qabsiyo, qaab dhismeedyo hadal iyo hannaanka cabbiraadda afkaarta, taas oo aan ku koobnayn afka uu wax ku akhriyo, balse ula guurta xitaa afka kale ee uu ku hadlayo. Dhakhaatirita xarunta Cleveland clinic ee dalka Maraykanka ayaa waalidiinta kula dardaarmay in ay ilmahooda wax akhriska u bilaabaan marka uu caano nuugga yahay, una wadaan illaa uu waxbarashada aasaasiga ah dhammaysanayo. In ilmuhu ku garaadsado iyada oo buug loo akhriyayaa, waxa ay sababtaa in uu u arko in ay tahay caado noloshiisa ka mid ah muhiimna ay tahay in uu weligeed sii wado. Akhrisku waxa uu ka hortag u yahay hoos u dhaca garashada qofka ku timaadda marka uu weynaado. Haddii aad doonayso in da’du aanay dhaawac gaadhsiin awoodda garasho ee maskaxdaada, fahamkaaga, xasuustaada iyo shaqada maskaxdaada oo dhan, imika caado ka dhigo in aad wax akhrido. Akhrisku waa Dawo nafsadeed: Cilmibaadhis 2009 kii la sameeyey waxaa lagu ogaaday 30 daqiiqo oo akhris la caadaystaa in ay dejiso dhiigkarka, daweyso khalkhalka ku dhaca garaaca Wadnaha, isla markaana qofka ka saarto cidhiidhiga nafsiga ah iyo xaaladaha nafsadeed ee qulubka, sakatiga iyo warwarku ay ka mid yihiin. Daraasad sahaminteeda la waday muddo 12 sanno ah ayaa lagu ogaaday qofka oo caadaysta in uu hal ama laba saac toddobaadkii wax akhriyaa in ay keento cimri dherer, marka la barbar dhigo kuwa aan waxba akhriyin. Akhrisku waa Hurdo wanaag: Waxa ay dhakhaatiirtu qireen in akhrisku uu sababo in qofku uu seexdo hurdo nidaamsan oo xeeldheer. Waxa ay ku talinayaan in qofka hurdadu ku yar tahay uu habeenkii wax akhriyo. Akhrsika (Gaar ahaan marka warqad laga akhriyayo / aan laga akhriyeyn aaladaha teknoolajiyadda sida Tablet ka) waxa uu keenaa lulo iyo in hurdo dheer la seexdo.
Please log in to reply.

Leave Answer

You must be logged in to answer.

🔥 Popular Questions
  • Maankey Cade
    waa maxay bulsho
    Feb 19, 2023 - 21:01 |2 Answers
  • Abbaas Abdi
    waa maxay cimilo?
    Apr 13, 2023 - 23:09 |1 Answers
  • Moha Ahmed
    haddii magaalada Jakarta sacadeedu tilmaameyso 1 duhurnimo isla markaana ay dhacdo dhigta 106 Bari imisa ayay tilmaameysaa magaalada qaahira oo dhacda dhigta 30 baro ?
    May 05, 2023 - 13:47 |1 Answers
  • lamina7
    circle the letter of correct answer (50 marks)
    May 27, 2023 - 21:18 |1 Answers
  • Khalid cabdi
    xamse yaa dilay
    Apr 23, 2023 - 17:32 |1 Answers
Trending Categories
84

f4 Biology subject

25

F4 business subject

10

F4 Chemistry subject

13

f4 English subject

20

f4 Geography subject

29

f4 History subject

8

f4 math subject

34

f4 physics subject

4

f4 Somali subject

16

f4 technology subject

43

Hal xiraale

1

Health

17

Jobs & Education

36

luqadaha

43

Nolosha iyo Dhaqanka

281

Other Asked Questions

327

Poll Questions

28

saynis

15

school

4

Siyaasad iyo Maamulka

6

Sports

270

Su'aalaha Diinta

59

Suaalaha Caafimaadka

11

subjects definition

27

Taariikh

41

Technology & Engineering

10

University

88

wadamada caalamka

82

wadankeena

16

waxbarasho

18

Website & Programs

20

xisaab

56

Xoolaha Iyo dhirta

About

Caawiye Q&A waa website iyo application la isku wedaarsado su’aalo aqooneed iyo Jawaabaha kaas oo kaa caawin doona inaad dhisto afkaartada aqooneed, bulshadaada iyo inaad la xiriirto dadka kale.

Important pages
  • all questions
  • about us
  • Membership Account
Help & Support
  • Contact Us
  • frequently asked questions
  • Privacy Policy
  • Terms and Conditions

Download Now Mobile and enjoy it on your iPhone, android, and iPod touch... all from a modern mobile app powered by the somnest Platform.

Download app from

app-storeplay-store
© 2025 Somnest. All Rights Reserved.
People Who like this post
  • img
img