Loading...

maxaa waajib ah xajka

1 Answer

1 Answer

  1. Xajku waa rukniga SHANAAD ee ay diinta Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay faray ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara ugu yaraan hal mar oo keliye qofka cimrigiisa.

    Xajku waa qasdi uu qofku u qasdiyo Baytul-xaraamka “Kacbada” isagoo cibaadaysanaaya. Haddii aan ka warano waqtigii la waajib yeelay xajka waxay ahayd sannadkii sagaalaad ee Hijriyada Ilaahayna uu dadka faray inay xajiyaan haddii ay awoodaan.

    SHURUUDAHA XAJJKA KU WAAJIBO

    Waxuu xajku ku waajibaa qofkii laga helo arrimaha soo socda.

    1) Inuu muslim yahay
    2) Inuu caqli qabo aanu waalneyn.

    3) Inuu qaan gaar yahay.
    4) Inuu xoryahay
    5) iyo inuu awoodi karo (xoolo, jid, iyo jir ahaanba) inuu xajka guto

    Waxaa kale oo in taas weheliya gabadha oo laga rabo inuu maxram la socdo.

    iyo Meelaha laga xirmanayo (xiranayo) Xajka.

You must be logged in to answer.

Log In to Answer

Cookie Policy

Caawiye is a community-driven Q&A platform. We use cookies to enhance your experience and ensure our services work correctly. Learn more

Message