sidee nafteyda Horumar iyo is badal ugu sameen karaa?

2 Answers
caawiyepanel
May 29, 2022, 8:52 am
Haddii aad rabto inaad noloshaada beddesho, waa inaad isla markaaba beddeshaa caadooyinkaada.(caado waa waxa aad maalin walba samayso.) Dhibaatadu waxay tahay ma fududa in la beddelo caadooyinka. Inaad hormar samayso waxaa kuu diidan caadooyinka soo socda. Cibaado la’aan caajisnimo Dib u dhigid Haasaawaha badan Ku eedaynta kuwa kale fashilkaaga Waqti ku lumin Facebook, tik tok, daawashada ciyaaraha iwm. Hadii aad doonayso in aad is badal dhab ah samayso, waa in aad bedeshaa caadooyinkaga oo aad raacdo kuwa ay raacaan dadka guulaysta. Caadooyinkan waxaa ka mid ah: Alle ka cabsiga iyo cibaadada 5ta salaad masaajidka ku tuko Quraan aqri maalintii wax yar xitta Xirfad yeelo La saaxiib buugta oo wax badan aqri Asxaab wanaagsan samayso Ha ku lumin wakhtiga hawl kasta oo aan faa'iido lahayn Hawl maalmeed samyso Cidna ha ku eedayn fashilkaaga, marka laga reebo naftaada Guul iyo guuldarro kasta wax ka baro. Ugu dambeyntii, Markaad bedesho caadooyinkaaga, noloshaada dhan way is badalee.
Mutaaz Saciid hassan
January 5, 2023, 5:13 pm
ℎ𝑜𝑟𝑡𝑎 𝑡𝑎𝑎𝑠 𝑤𝑎𝑎 𝑠𝑎𝑥 𝑙𝑘𝑛 ℎ𝑎𝑙.𝑑ℎ𝑖𝑏𝑎𝑎 𝑗𝑖𝑟𝑜 ℎ𝑎𝑙𝑘𝑎 𝑑ℎ𝑖𝑏 𝑤𝑢𝑥𝑢𝑢 𝑦𝑎ℎ𝑎ℎ 𝑖𝑛 𝑎𝑦 𝑑𝑎𝑑𝑘𝑢 𝑏𝑎𝑑𝑎𝑛 𝑘𝑜𝑜𝑑𝑢 𝑎𝑦𝑠𝑎𝑎𝑛 𝑤𝑥 𝑐𝑖𝑏𝑎𝑎𝑑𝑎𝑎 𝑎𝑦𝑠𝑎𝑛 𝑙𝑎ℎ𝑎𝑦𝑛 𝑡𝑎𝑎𝑠 𝑎𝑦𝑎𝑎𝑛 𝑘𝑒𝑒𝑛𝑡𝑎 𝑔𝑢𝑢𝑙 𝑑𝑎𝑟𝑎𝑑𝑎 𝑏𝑎𝑑𝑛𝑎𝑎 𝑤𝑎𝑘ℎ𝑡𝑖𝑔𝑒𝑒𝑛𝑎 𝑤𝑎𝑥𝑎𝑛 𝑘𝑢 𝑙𝑢𝑚𝑖𝑛𝑎𝑎 𝑓𝑎𝑐𝑒𝑏𝑜𝑜𝑘 𝑖𝑦𝑜 𝑤𝑎𝑥𝑎𝑎𝑛 𝑙𝑜𝑜 𝑗𝑒𝑒𝑑𝑖𝑛 𝑡𝑖𝑘𝑡𝑜𝑘 𝑜𝑜 𝑎𝑦 𝑑𝑎𝑑𝑘𝑢 𝑘𝑢 𝑤𝑎𝑑𝑎 𝑚𝑎𝑠ℎ𝑞𝑢𝑢𝑙 𝑠𝑎𝑛 𝑦𝑖ℎ𝑖𝑖𝑛 𝑚𝑟𝑘𝑎𝑎 ℎ𝑎𝑙 𝑡𝑎𝑙𝑜.𝑎𝑦𝑎𝑎𝑛 𝑖𝑑𝑖𝑛𝑘𝑢 𝑑𝑎𝑟𝑠𝑎𝑛 𝑙𝑎ℎ𝑎𝑎 ℎ𝑜𝑟𝑎 𝑙𝑜𝑜 𝑑ℎ𝑎ℎ𝑎𝑦 𝑤𝑖𝑥𝑖𝑖 𝑎𝑑 𝑚𝑎𝑛𝑡𝑎 𝑏𝑒𝑒𝑟𝑡𝑜 𝑎𝑦𝑎𝑎𝑑 𝑏𝑎𝑟𝑖 ℎ𝑒𝑙𝑎𝑎𝑦𝑠𝑎𝑎

Leave Answer

You must be logged in to answer.