Caawiye app
Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world
Don't have an account?Sign Up
Caawiye app
Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world
Already have an account?Login
Stay connected
M | T | W | T | F | S | S |
---|---|---|---|---|---|---|
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | ||
6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 |
13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 |
20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 |
27 | 28 | 29 | 30 | 31 |
1 Answers
Queen of somalia
Waxa jira waddooyin badan oo haddii aad raacdo ay dadku kugu jeclaan doonaan. Waddooyinkan maaha kuwo kaaga baahan xeelad iyo wax kale toona. Kaliya waa fan kaaga baahan in aad hirgaliso kadibna ku dhaqanto. Hubaal haddii aad ku dhaqanto qodobada aan kuu sheegi doono noloshaada waa ay beddeli donaan, waxa ayna horumarin doonaan xidhiidhada idiin dhaxeeya adiga iyo bulshada kugu xeeran.
Ugu danbayn haddii aad samayso dhawrkan qodob, hubaal dadka qalbiyadooda waad ku waynaan doontaa
1. Noqo qof iimaan leh: Dadku way jeclaadaan qofku marka uu iimaan buuxa leeyahay Allena uu ku xidhan yahay.
2. Noqo qof daacad ah: Qofka aan khiyaamada aqoon dadka qalbigooda wuu ku waynaadaa
3. Iska dhawr inaad ku gafto dadka, dadku ma jeclaadaan had iyo jeer qofka gafka ama dhacdhaca badan
4. Ilaahay dartii u jecloow dadka oo dhan: qofna adiga oo aan dan gaar ah ka lahayn haddii aad Alle dartii u jeclaato waxa aad noqonaysaa qof dadka agtooda qiimo ku leh
5. Qof kasta oo aad la kulanto ku qaabil waji farxad leh kuna bilow salaan adiga oo dhoola caddaynaya uguna yeedhaya magaca uu ugu jecelyahay.
Waxa hubaal ah intan haddii aad dhaqan galiso waxa aad arki doontaa dadka oo u soo hilloobaya xaggaaga