Waa Maxay Cagaarshowga B maxaase Keena?

9 Answers
caawiyepanel
October 10, 2022, 8:59 pm
Talaal ma jiraa? Haa, talaalku waa sida ugu haboon ee lagaga badbaadi karo inuu kugu dhaco cagaarshowgu B. Qof walba oo u maleeya inuu halis u saran yahay qaaditaanka cagaarshowga B waa uu is talaali karaa. Waxaa ka mid noqon kara seyga, haweeneyda, laba isku galmootey iyo dhalaan hada dhashey oo ay dhaleen dad qabey ama ah sidayaasha cagaarshowga B. Talaalka cagaarshowga B wuxuu ka kooban yahay sadex cirbadood waxaana waajib ah inaad wada qaadato si aad uga badbaado cudur dhaliyaha mudo dheer. Halka aad gargaar ka heli karto? Hadii aad u maleysid inuu ku hayo cagaarshowga B la xiriir dhakhtarkaaga ama isbitaalka aad.
Fadumo Hussen
December 19, 2023, 10:19 pm
hal nooc oo kamid ah cagaarshowga B .waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaano (virus) .wuxuuna saranayahay cagaarshow B
caawiyepanel
October 10, 2022, 8:57 pm
Maxaa la isku baaraa? 1- Hadii aad tahay side waad qaadi kartaa talaabo aad kaga hor tageysid si aanad u qabadsiin dadka kale. 2- Hadii aad tahay xaamilo tahayna side cagaarshowga B, ilmahaaga waa laga badbaadin karaa iyadoo la talaalayo isla marka uu dhasho 3- Ka warqabida inaad qabto cagarshowga B micneheedu waa inaad heli karto daawo kasta ood u baahan tahay.
Caawiye admin7
October 10, 2022, 8:59 pm
Talaal ma jiraa?
Bile
February 7, 2023, 11:58 am
Engerix-B, Heplisav-B, and Recombivax HB (all brand names) dhaman kuwani waa tusaloyinka talaalada( vaccines) looga hortagi Karo nuuca cagarshowga ee (HBV) kuwaas oo ey ansixisaty (approved) wasarada ilalisa cuntada ( food) iyo dawada (drugs) ee laga leyahay mareykanka ( U S A) loona so gabiyo (FDA) . Engerix-B and Recombivax HB si gaar ah labadan nuuc talalka ( HBV) waxa lagu talaali Kara dhaman ( All ages) ama da, walbo.
caawiyepanel
October 10, 2022, 8:55 pm
Dadka qaar ma muujiyaan wax calaamad ah habayaraatee. Calaamadaha kale ee lagu garan karo waxaa raaca: 1- xanuun yar oo sida lafo-garaaca ah oo mudo gaaban ku eg 2- iyadoo la dareemo xanuun iyo daal 3- matag iyo shuban 4- miisaankaaga oo is dhimo 5- is xoqid badan 6- jooniska (indhaho caseeye) 7- midabka saxarada oo khafiif noqota iyo kaadida oo madoobaata.
Maxamed
October 10, 2022, 8:57 pm
Maxaa la isku baaraa?
caawiyepanel
October 9, 2022, 1:53 pm
Cagaarshwgu waa erey xaga waa caafimaadka looga yaqaano beerka bararsan ee jiran. Hal nooc 00 ka mida cagarshowga B waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaan (virus). Jeermiska cudurkani dhaliyaa wuxuu dhex galaa jirkaaga kuna keenaa beerkaaga. Xanuun qaarkood dhibaato ayuu Mararka qaarkood cudurkani u keenaa beerkaaga iyo isaga 00 ku yeelan kara caafimaadkaaga saameyn xanuun oo qoto Dadka qaarkood ma ogaan karaan inuu hayo cudurku, ama waxay ku qaldaan inuu hayo lafo-garaac. Si kastaba ha ahaatee, dad ayaa dareemi kara jiro aad u daran lagana yaabaa iney u baahdaan in lagu daaweeyo cisbitaalka.
Maxamed
October 10, 2022, 8:54 pm
Maxay yihiin Calaamadihiisu?

Leave Answer

You must be logged in to answer.