1 Answers
Dowlad waa nidaamka siyaasadeed ee ka jira dal, waa nidaamka lagu maamulo bulsho. Ereyga dowlad wuxuu ka soo jeedaa ereyga Giriigga ah [kubernáo] oo macnaheedu yahay in lagu hoggaamiyo.Nidaamka dowladnimo waxay la xiriirtaa “geeddi-socodka is-dhexgalka iyo go’aan qaadashada ee ka dhex jira bulsho caafimaad qabta, wadajirka horseedda hal-abuurnimada, xoojinta xirriirka bulsho, horumarinta hay’adaha waxbarashada iyo caafimaadka”. Dowladnimada waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay geedi socodka siyaasadeed ee ka dhex jira ama u dhexeeya hay’adaha rasmiga ah.
Leave Answer
You must be logged in to answer.