1 Answers
Fal Waa erayo bixinaya war ku saabsan yeelaha. Falka dhawr qaybood baa loo qaybiyaa, qayb walbana warar kala duwan ayay tabisaa. Waxase ugu wayn laba qaybood oo lagu kala magacaabo: Sal iyo Nadooc. Fiiri tusaalahan:
Anigu waan keen-ayaa
Farxiyo way keen-aysaa
Annagu waan keen-aynaa
Idinku waad keen-aysaan
Falka ku dhex jira afarta tuseele wuxuu leeyahay qayb aan is beddelayn(keen-)iyo qayb is beddeshay (-ayaa, -aysaa,-aynaa, -aysaan). Qaybta aan is beddelini waa gundhigga falka, kaas oo xanbaarsan micnaha erayga. Sidaa daraadeed waxa lagu magacaabaa sal.
Salka waxa lagu aqoonsadaa, oo sida badan uu la muuqaal yahay fal amarka qofkiisa labaad oo keliga ah(adiga):
Cun, bax, qor, xir, kari, baro, qabso, qadee.
Qaybta is beddesha ee falka waxaa lagu magacaabaa nadooc faleed waxay farta ku fiiqdaa waxyaabo kala duwan: qofka, tirade, caynta, amminta, muuqaalka iyo habka falka.
Nadooc faleedka tilmaamaya Qofka
Nadooca falku wuxuu sheegaa haddii yeeluhu uu yahay midka hadlaya (qofka koowaad), midka lala hadlayo ( qofka labaad) ama mid ka duwan labadoodaba (qofka saddexaad)
Qofka koowaad wuxuu ku beeganyahay hadlaha (aniga, annaga):
B. Anigu waan keen-ay
T. annagu waan keen-nay
Qofka labaad oo lala hadlaha ah (adiga, idinka):
J. adigu waad keen-tay
X. idinku waad keen-teen
Qofka saddexaadna wuxuu ku beegan yahay qofka ama waxa laga hadlayo (isaga\iyada iyo iyaga):
KH. Iyadu way keen-tay
D. isagu wuu keen-ay
R. iyagu way keen-neen Adigana raacso jawaabtada
Leave Answer
You must be logged in to answer.