waa maxay ganacsi?

1 Answers
caawiyepanel
October 18, 2022, 7:41 am
☆ HORDHAC: Guud ahaan ganacsigu waxaa uu ka dhashaa fikrad ku dhalatay qof ama koox maskaxdooda. Fikradaas oo u la muuqatay in ay tahay fursad ka banaan bulshada oo faaido laga samayn karo, sidoo kalena, lagu dabooli karo baahi ka jirta bulshada dhexdeeda. Fikradaasi waxaay martaa marxalado badan oo kala duwan ka hor inta aanay noqon ganacsi si toos ah u shaqaynaya. Waxay ka soo bilowdaan qiimeyn ku aadan suurta galnimada in ganacsigaasi yahay mid la hirgelin karo, cilmibaaris & hor-u-marin ilaa fulin oo ah halka ugu danbaysa marxaladaha ay fikradi isugu bedesho ganacsi shaqaynaya. Markaas ayaa ganacsi walba waxaa u bilaabma weji kale; weji fikradii la hirgeliyay ay si toos ah u marayso tijaabo ku aadan in ganacsigani yahay mid u qalma in la hirgeliyo wakhtigan, laga hirgeliyo meeshan, ayna hirgeliyaan dadkii munaasabka ku ahaa – maalgashedayaal & shaqaaleba. Ugu dabayn ganacsi wuxuu ka dhashaa qof/dad, Fikrad[Ganacsi] & fulin. FG: ka timid maamulka Caawiye app waxan wax ka bedel ku sameenay su'aalaha fadlan sidaan uso gudbi si aad u heshid jawaab iyo macluumaad mahadsanid

Leave Answer

You must be logged in to answer.