loader
Skip to content

Caawiye app

socialv
  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog

Caawiye app

socialv

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Forgot Password?

Don't have an account?Sign Up

Caawiye app

socialv

Welcome to Caawiye app, a platform to connect with the social world

Already have an account?Login

  • Activity
  • questions
  • Groups
  • Blog
Libaan
May 4, 2023 | 7:27 pm |1 Answers

waa maxay geel

×

Edit Question

×

Report Content

Explain why you are reporting this content:

Select Reason:

Misleading or scam
Spam
Violent or abusive
1 Answers
Please log in to reply.
Queen of somalia
May 5, 2023, 7:59 pm
Geelu waxa uu ka mid yahay afarta maal-adduunyo ee Soomaalidu haysashadooda ku hammiyi jireen. Waxa uu ahaa halbeegga ay ku cabbiri jireen hodantinnimada qofka iyo hantidiisa, ninkii kadin geel ah foofsadaana waxa uu agtooda ka ahaa mid loo soo joogsado oo arrinkiisa la aqbalo. Waxay u arkayeen in ninkii geel lihi si fudud u gashi bixi karo, taasna waxaynu ka garan karraa odhaahda caanka ah ee tidhaahda: ‘dameertaydii baa nin geel leh ii gashay’. Dhanka kale, qofkii maalkiisa ku loofara ee aan waxba tashiilan waxay weydiin jireen su’aasha ah: ‘Ma geela ayaa korammo idiin ku jiraan?’ Sidoo kale ruuxii cadho aawadeed foolkiisu madoobaado ee la xejin kari waayo, waxay ku odhan jireen ‘Ma geelii aabbahaa ayaa la dhacay?’ amase ‘geeliisii ayaa cirka lagu maalayaa’, iyagoo gar u arkaayey ninkii geeliisa la damaaciyaa inuu marooradillaaco oo marada madaxa ku marto. Haddii la eego maansada, maahmaahda iyo sheekooyinka murtida leh ee Soomaalidu illaa waa hore isu soo tebin jirtay, waxa muush ka ah geela iyo dhacdooyinkiisa, taas oo ina tusaysa sida geelu noloshooda ugu soohnaa. Iska dhaafe, ubadka ay dhalaan magacyadii ay ugu wanqali jireen ayaa jacaylkii geela ay u qabeeni ka soo dhex tafay, saa waynaga maqallay: Geelle, Geeljire, Geeldoon, Geelxoor, Caanogeel iyo kuwo kale. Jacaylkii Ay Geela U Qabeen Guud ahaan Soomaalida,  waxaa ku jirta rooxaan geela jecel, reermiyiguna waabu ka sii xagjiraa. Jacaylka geela ayaa madaxmaray, kolkaasay xataa ruuxda bini-aadamku qiimihii ay lahayd neefaf geel ah dhaafsadeen. Bal u fiirso meerisyadan miidaamada ah ee gabyaa Ina Xasan-Deri la oran jirey laga soo sheegay. Wuxuu yidhi: Badda jiidhayaa ama berri jaanta mariyaaba Wallee geel jacaylkaan u qabo waw jirrabi ruuxa! Cabdi Warsame Baanji oo ‘Cabdi-Gahayr’ lagu garan og yahay ayaa isna cid walba baradhaafiyay kolkii uu aaminay in jacaylka geelu yahay mid kitaabiya ah oo Diinka Muxammadiya boos ku leh. Waxa uu daliishaday in raggii rag ahaa ee nebi Muxammed la jaalay ay geelleey ahaayeen, aakhiro kolkii la tago ee uumiyaha la xisaabiyana, ninkii aan ifkii ayro soo dhaqan in arrinkiisu Allow sahal yahay!!! Malahayga waxa uu u jeedaa ninkii aan geel badan oo uu seko iyo sadaqo ka bixiyo lahayni, markii suurta la afuufo ee siraadka la maro, inuu solayga naareed ku siibto ayaan si xun uga yaabayaa. Wuxuu yidhi Cabdi-Gahayr: Idinbacasa awrkay dhashiyo aarankay wadatay Asaxaabihii horeba way ku intifaaceene Aakhiro nimaan geel lahayn lama ammaanayne! Geeljiraha gaas-dhagoolaha ah qaarkii ayaa lexejeclada iyo jacaylka geelu dawga aakhiro seejin jireen, kolkii wadaadka sekeda ururinayaa isa soo dul taago oo ku wacdiyo inuu geeliisan reysimmada ah sekeda ka bixiyo. Wacdiga wadaadka ayaa u qudhqudhsami waayi jiray oo waxa ku adkaan jirtay inuu qaalmo goojinaya intuu xeradiisa ka soo saaro nin kale mihiibsiiyo. Kolkaasuu af buuxa wadaadkii ku odhan jiray: ‘Awgayoow, intii ay xero nin kale ka ololi lahayd, aniga aakhiro ha igu durduriso e iskaga tag!’ Isha geeljiruhu waxa ay ku doogsato, araggeeduna ku samaadaa waa hasha, gaar ahaan xilliga aaranka ah ee arladu cosob miidhan tahay kolkaas oo geela dhogor cusubi fuusho, baar qurxoon oo neecawdu ku ciyaartaana u soo baxo. Isagoo sii daymoonaya neef tilmaamahaas leh, asii uga dardaarwerinaya miciyo dugaag iyo macaluul abaareed ayuu geeljire ku heesay:
Please log in to reply.

Leave Answer

You must be logged in to answer.

🔥 Popular Questions
  • Deeqa Mohamed
    waa maxa soo saar salka bar baroole haddii u yahay 240sm salka suna yahay 6sm
    Mar 21, 2023 - 07:03 |2 Answers
  • mushaax cumar
    waxaad sheegtaa denbigii ugu horeeyay ee la galo
    May 20, 2023 - 16:41 |1 Answers
  • Libaan
    waa maxay geel
    May 04, 2023 - 19:27 |1 Answers
  • Qadan Abdi
    what differnce between pathogen and micro organism?
    Apr 12, 2023 - 17:01 |1 Answers
  • caawiye Admin
    Chapter1 (Q2) Which is the characteristic of the sympatheticnervous system?
    Aug 30, 2021 - 10:38 |1 Answers
Trending Categories
84

f4 Biology subject

25

F4 business subject

10

F4 Chemistry subject

13

f4 English subject

20

f4 Geography subject

29

f4 History subject

8

f4 math subject

34

f4 physics subject

4

f4 Somali subject

16

f4 technology subject

43

Hal xiraale

1

Health

17

Jobs & Education

36

luqadaha

43

Nolosha iyo Dhaqanka

281

Other Asked Questions

327

Poll Questions

28

saynis

15

school

4

Siyaasad iyo Maamulka

6

Sports

270

Su'aalaha Diinta

59

Suaalaha Caafimaadka

11

subjects definition

27

Taariikh

41

Technology & Engineering

10

University

88

wadamada caalamka

82

wadankeena

16

waxbarasho

18

Website & Programs

20

xisaab

56

Xoolaha Iyo dhirta

About

Caawiye Q&A waa website iyo application la isku wedaarsado su’aalo aqooneed iyo Jawaabaha kaas oo kaa caawin doona inaad dhisto afkaartada aqooneed, bulshadaada iyo inaad la xiriirto dadka kale.

Important pages
  • all questions
  • Membership Account
  • All Courses
  • Profile
  • Instructor
  • Become A Teacher
Help & Support
  • about us
  • Contact Us
  • frequently asked questions
  • Privacy Policy
  • Terms and Conditions

Download Now Mobile and enjoy it on your iPhone, android, and iPod touch... all from a modern mobile app powered by the somnest Platform.

Download app from

app-storeplay-store
© 2025 Somnest. All Rights Reserved.
People Who like this post
  • img
img