waa maxay jadeeco

4 Answers
Nimconini Dayib
April 21, 2023, 7:51 am
waa xanuun xanuunada ka mida
Queen
April 10, 2023, 12:23 pm
jadeecadu waa cudur saf Mar ah si fududna loo Kala qado
Sowda Mohamed
March 18, 2023, 4:51 pm
jadeecadu waa cudur ba an oo si dhaqsi leh ugu faafa bulshada
caawiyepanel
March 9, 2023, 12:41 am
Jadeecada waxaa keena fayrus jeermis aad u xun wata. Ugu badanaan qof walba oo uu ku dhaco cudurkani wuxuu yeelan doonaa xummad aad u xun, firiiric oo bukaan ayuu ahaan doonaa. Carruurtu caadi ahaan waxay sariirta jiifaan ilaa iyo shan maalmood waxayna dugsiga ka fadhiyi karaan ilaa iyo toban maalmood. Dadka weyni waxaa suurogal ah inay waqti intaas dhaafsan sii bukaan. Lama ogaan karo qofka sida xun uu cudurka jadeecadu ugu dhici doono. Dhibaatooyinka jadeecadu waxay gaartaa 15kii carruur ahba hal. Dhibaatooyinka yimaada waxaa ka mid ah jeermis dhagta, laabta iyo marinnada hawada laga neefso ee sare ku dhaca, shuban, iyo qallalyo, iyo (marmar dhif ah) encephalitis (maskaxda oo bararta), ama waxyeello maskaxda gaarta. Mararka ugu xun, cudurka jadeecada waa loo dhintaa. Xataa carruurta caafimaadka badan ayaa u dhinta jadeecada.

Leave Answer

You must be logged in to answer.