waa maxy murti iyo maah maah

1 Answers
Queen of somalia
May 16, 2023, 9:15 pm
Murtida iyo maahmaahdu waxa ay bilaan hadalka, waxayna xoojiyaan fahmidda dulucdiisa. Waxay hadalka taraan qurux, tayo iyo dhumuc intaba. Murtidu waa “hadal kooban oo farshaxannimo leh, oo xambaarsan kasmo iyo aqoon run ah oo laga helay waaya-argnimada”.Maahmaahdu waa “hadal kooban oo farshaxannimo leh, oo dhacdo ama munaasabad ku soo baxay deedna faafay oo dadku jeclaysteen milgaha uu xambaarsan yahay darteed”. Maahmaahda waxaa la soo qaataa marka la arko dhacdo u eg dhacdadii ay ku soo baxday.

Leave Answer

You must be logged in to answer.