Xubinta dhagTa?

1 Answers

  1. Queen of somalia

    Dhegaha oo ah xubin kamid ah xubnaha ugu muhiimsan ee jirka ayaa haddii ey wax gaaraan keenta dhagoollenimada. Sidoo kale qaybta maskaxda ee u qaabilsan maqalka ayaa dhagoollenimo keenta haday wax gaaraan.

    In kastoo dad badani ku soo dhashaan dhagoolnimada, waxyaabo badan ayaa keena dhibtan, inta ugu badan waxaa ka mid ah duqoowga, shanqadh badan, iyo xanuuno ku dhaca dhegaha iyo maskaxda.

    Qiyaasta dhagoolnimada ee dadka waxaa loo qeybiyaa sadex: dhegoculeysyar, mid dhexe iyo dhago la’aan dam ah – qof aan waxba maqli karin. Dhegoculeyska yar iyo dhexe ee xanuun ama gaboowgu keeno waa kuwo wax laga qaban karo. Qeyb ahaan waa la daaweeyaa haddii kale qalab lagu xidho dhegaha ayaa ka caawiya maqalka.

    Tiro dhan 10% shacabka dunida ayaa dhagool ah ama maqalka dhib ka qaba;

Leave Answer

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Stay connected
January 2025
MTWTFSS
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031